Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab oo maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose ayaa soo dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kaamjiroon oo 75 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ma shaacin dowladda magaca sarkaalka la dilay, balse waxa ay sheegtay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta sirdoonka iyo aruurinta waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada Danab ay sii wadi doonaan howlgallada iyo beegsiga ay ku hayaan maleeshiyaadka iyo saraakiisha Al-Shbaab.
Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca howlgallo qorsheysan iyo duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsado maleeshiyaadka kooxda.