Howgalo Ciidama Somaliland Ka Sameeyeen Hargeysa Oo lagu Soo qabtay Waxyaabaha Maanka dooriye

Howlgal ay Magaalada Hargeysa ka sameeyeen Ciidamada booliska Somaliland 24kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay kusoo qabteen Mandooriyaha Khamriga oo laga ganacsanayay gudaha Magaalada Hargeysa.

Saraakiisha Ciidamada Booliska  ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa  sheegeen in Qamridaan la doonaayay in lagu dhibaateeyo dadka Shacabka degaanada maamulka Somaliland.

War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadkii lagu soo qabtay Qamridda iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriye ee Hargeysa lagu soo bandhigay.