Howgalo Oo Saaka Socda Gaalkacyo

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga magaladaas waxaa weli  ka socda howlgal qaatay mudo ku dhawaad 7 Cisho, kadib markii ay ku soo bateen falalka lidiga ku ah dhinaca amniga.

Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah kaas oo mararka qaar lagu baarayay Xaafadaha Waqooyiga Magalada Gaalkacyo.

Howlgaladaas ayaa waxaa lagu soo qabtay dad Boqol kor u dhaafaya kuwaas oo u badan dhalinyaro,waxaana ay ka dambeysay kadib markii Shacabka Waqooyiga Gaalkacyo ay ka cawdeen dhalinyaro habeenkii dhac u geysanaya.

Dadka howlgalka lagu qabtay ayaa baaris dheer kadib qaarkood lasii daayay,waxaana qaarka kale ee haray saraakiishu ay sheegeen in baaris kale oo dheer lagu sameyn doono.

Dadka Magalada Gaalkacyo qaarkood ayaa warbaahinta  waxa ay u sheegeen in howlgalka uu saameyn weyn ku yeeshay haba ugu badnaadee dhinaca Ganacsiga oo mararka qaar uu hakad galo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amray howlgalkaas,waxaana saraakiisha Ciidamada Daraawishta Puntland ay sheegen dad badan lagu soo qabqabtay.