Howgalo Saaka Kasocda Kismaanyo

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xalay waxaa ay howlgal lagu xaqiijinayay amniga ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamo u badan kuwa Booliska Jubbaland ayaa howlgalka waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha, Guulwade ,Via Afmadow iyo Dalxiiska,waxaana howlgalkaas lagu qabqabtay ku dhowaad 100 Dhalinyaro ah.

Dad ku sugan Magalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay mararka qaar gelayeen xaafadaha Magalada Kisamayo,waxaana dhalinyaradii howlgalka lagu qabtay la geeyay Xarumaha Ciidamada jubbaland ee Kismaayo, iyada oo baaritaano lagu sameeynayay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Jubbaland ee Magaalada Kismaayo weli howlgalkaas waxa faah faahin ah kana bixin,hayeeshee Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in Ciidamada heegan la geliyay si ay uga hortagaan falal amni darro.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee ka dhacay Magalada Kismaayo ayaa waxaa howlgallo iyo feejignaan amni ay ka jirtay Magalada Kismaayo.