Howl galo Saaka Ka Socda G/Gedo

Taliska Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland Ee Gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka  sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah Ciidamadu uga fuliyeen deegaano hoostaga degmmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere,waxaana la sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Hay’ada Nabad-Sugida Iyo sirdoonka Dowlada Goboleedka Jubaland Ee Gobolka Gedo Cali Abshir Deer ayaa sheegay in deegaanadii ay la waregeen Bulshada ku nool ay u soo gudbiyeen dhibaatooyin dhowr ah oo ay kala kulmeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay,hayeeshee ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalkaas.

Waxaa uu sheegay in dhawaan ay soo afjari doonaan Xubnaha Al-Shabaab eek u sugan deegaannada kala duwna ee Gobolka Gedo,waxaana Shacabka Reer Miyiga ah eek u nool Gobolkaas uu ka dalbaday Ciidamada inay kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.