Warkasoo baxay dowlada soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal balaaran laga fuliyay labo gobol howlgalkaan ayayna iska kaashadeen ciidamada xooga dalka kuwa degaanka iyo saxaabida caalamiga ah.
Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoogaga Deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay xadka Goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe, waxaana lala beegsaday fadhiisin maleeshiyada Argagixisada ah ay halkaas ku lahaayeen.
Diyaaradaha dagaalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay laba goobood oo ah dhul hood, waxaana Howlgalkaan uu ka dhacay halka loo yaqaano Jir jir farey & Burka fiiqey oo dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Ruunirgood.
Maleeshiyada Argagixisada ah ayaana jab weyn lagu gaarsiiyay Howlgalkaan waxaana lagu dilay maleeshiyaad badan, iyadoona gaadiid looga gubay.