Howlgal Cusub oo laga Sameeyay Biyaha Soomaaliya.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed iyo Markabka dagaalka SANTA MARIA F-81ee howlgalka Midowga Yurub ayaa sameeyey tababar kor loogu qaadayo aqoonta fulinta sharciga iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada badda.
Tababarka ayaa ka qabsoomay gudaha biyaha Soomaaliya, Ciidanka illaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliya ayaa loo diyaariyey inay ka jawaabaan xaaladaha deg degga ah, sida la-dagaalka kalluumeysiga sharci darrada ah, burcad badeedda iyo guud ahaan sugidda amniga badda.
Tababarka ayaa waxaa ka qeyb qaatay seddax kamid ah doomaha nooca howlgallada iyo diyaarad Helicpotar ah.