Howlgal Dad Lagu Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qabqabtay waxa ay ka sameeyaan Xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalka ayaa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,iyada oo degmadaas shalay uu ka dhacay dil loo geystay mid ka mid ah Shaqaalaha Maamulka degmada Waaberi.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka booliska ayaa u sheegay Radio Dalsan in howlgalkaas lagu qabqabtay tiro dad ah,kuwaas oo baaritaan lagu sameynayo maadaama looga shakiyay in ay yihiin kuwo falal amndiaro ka geysta degmadaas.

Degmada Waaberi ayaa shalay gelinkii dambe dil ka dhacay,waxaa suurtagashay in Shacabka degmadaas qaar ka mid ah ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah raggii dilka geystay oo laba ahaa halka mid kale uu baxsaday.

Degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo intooda badan ay sheegtaan Al-Shabaab,mana jirto dad loo soo qabtay dilalkaas.