Howlgal ka dhacay gobolka Galgaduud oo lagu dilay Xubno katirsan AS

Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa howlgal ay iska kaashadeen waxa ay la fuliyeen meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo ah deegaan u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale warka dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Hawlgalka  intii uu socday halkaas lagu gubay agab isugu jira  gawaari iyo saanad ciidan intaba; iyada oo lagu sheegay warka in Ciidanka dowladda ay ula socdeen dhaqdhaqaaqa ka socda deegaannadaas.

Hawlgalaan ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa ku soo aadaya xilli bilooyinkii u dambeeyay halkaas ka socdeen dagaallo ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale waxa uu ku soo aadayaa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorsheyneyso weji labaad ee dagaalka.