Howlgal Ka dhan ah AS oo Ka Dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay tuulooyin u dhexeeya deegaannada Towfiiq iyo Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan AS.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay xubno ka tirsan AS iyo hub ay wateen, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay Sarkaal lagu magacaabo Sakariye, oo uu dhalay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale la wareegay mooto ay AS u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay in howlgalka uu qeyb ka yahay wejiga cusub ee hawlgalka “Duufaanta Aamusan” oo ka socda Shabeellaha Hoose, kana mid ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.