Howlgal ka socda Koonfur Afrika iyo Weerar lagu qaaday qoyska Madaxweyne Jocob Zuma

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo ay ku baacsanayaan xubno ka mid Qoyska Madaxweynaha Koonfur Afrika Jocob Zuma.

Howlgalkaan ayaa yimid xilli Saacaddihii loo qabtay in uu xilka kaga dego Jocob Zuma ay ka dhiman yihiin Wax yar.

Booliska ayaa xiray Afar qof oo uu ka mid yahay wiil la dhashay Madaxweynaha Koonfur Afrika.

Sidoo kale Ciidamada ayaa weeraray Ganacsato lagu tuhmaayo in ay ka qeyb ka yihiin Musuq maasuqii lagu eedeeyay Madaxweynaha.

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa si rasmi ah uga dalbaday madaxweyne Jacob Zuma inuu is casilo.

Haddii Zuma oo 75 sano jir ah uu diido baaqa xisbigiisa, waxaa laga yaabaa in loo qaada codka kalsoonida waxayna u badan tahay inuu wayn doono.

Madaxwaynaha Koonfur Afrika ayaa waxa uu wajahayaa dacwado la xiriira musuqmaasuq waxa uuna in muddo ah ku adkaysanayay mowqifkiisa ah in uusan xilka ka dagin