Warar dheraada Ayaa kasoo baxaaya Howlgalo Ciidamada xooga dalka iyo kuwa dadka degaanka ay ka sameeyeen Degaano dhaca koofur Gobolka Mudug Halkaasi oo ay kusugnaayeen Xubno katirsan kooxda Al-shabab
War kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan iska kaashadeen Ciidamada xooga iyo kuwa Degaanka
Lagu dilayna Xubno badan oo katirsan Kooxda Al-shabab
In Ka badan 30ASÂ ah oo lagu dilay Howlgal maanta Ciidanka xoogga uu ka sameeyey Koofurta Mudug.
Howgal gaaar ah oo maanta Ciidanka Qaranku ka fuliyey dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow, Koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo AS ku lahayd deegaankaas, waxaana cadowga lagu gaarsiiyey Khasaare xoogleh.
Howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo AS ku lahayd deegaankaas waxaana lagu dilay in ka badan 30 dhagar qabe oo horjoogeyaal iyo Maleyshiyaad iskugu jira,
Goobaha howlgalku beegsaday waxaa ka mid ah goob firxadka ASisku aruursanayeen waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoogg leh.