Howlgal Saakay Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa saakay waxa ay la kulmeen koox burcad ah oo dhac ka geysanayay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag Gobolkan Banaadir.

Kooxda Burcada ah oo watay Mooto Bajaaj ayaa waxaa ay dad Shacab ah ka dhaceen Mobelo,iyada oo dadkaasi ay ku soo wargeliyeen Ciidamada Booliska oo ku sugan qeyb ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada Booliska ayaa raggii burcada ahaa soo eryaday,waxana agagaarka Xarunta Dahabshiil Bakaaraha ay ku dhaawaceen mid ka mid ah kooxdii Burcada aheyd oo la sheegay in saddex Ruux ahaayeen halka mid kale ay gacanta ku dhigeen.

Mid ka mid ah Saddexda burcad aheyd ayaa baxsaday halka laba ka mid ah oo midi dhaawac yahay gacanta lagu haayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in raggaas la geeyay Xarunta dambi-baarista ee CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Gudaha suuqa Bakaaraha Ganacsatada ku sugan ayaa waayadii dambe waxa ay ka cabanayeen kooxo burcad ah oo dhac u geysanaya,taa soo keentay in la geeyo Ciidamo boolis ah.