Howlgal samata bixin ah oo ka socda Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo sidda gaarka ah u tababar ayaa howlgal waxa ay ka waddaan Gudaha xarunta Wasaradda Arrimaha Gudaha.

Howlgalka ayaa isugu jira Badbaadinta Shaqaallaha Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo dagaal ka dhan ah ragga hubeysan ee Gudaha galay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiysay in ay soo badbaadisay dad isugu jira Shaqaalle iyo Mas’uuliyiin ,islamarkaana wali uu socdo howlgal.

Al Shabaab ayaa sheegatay weerar Ismiidaamin ah inay ku qaadeen dhismaha ay wada dagan yihiin Wasaaradda amniga iyo Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliya.

Labadan Wasaaraddooda ayaa waxa ay ku yaalaan dhismahii la oran jiray Ote Ote oo ku yaalla Isgoyska Sayidka, gaar ahaan dhanka xigta Degmada Waaberi.