Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Jlib-Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkan oo dhacay saaka aroortii hore ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa sheegay in howlgalkan oo weli soo socda lagu dilay ugu yaraan illaa 30 ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan si gaar ah loola bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale gacanta lugu dhigay saanad milatari oo hub ay ku jiraan, kuwaas oo ay lahayd, kooxda, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa xoojiyay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.