Howlgal xoogan oo lagu dilay xubno AS oo ka dhacay Galgaduud.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ee ka sameeyeen duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cali Yabaal ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa looga hadlay howlgalkan, waxaana lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna dilay Shabaab badan.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen goobaha howlgalka laga sameeyay, isla markaana la burburiyey xarumihii Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgalo culus oo iska kaashanayaan ciidanka Xoogga, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.