Howlgalka NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo Lagu Dilay Horjooge iyo Saddex Maleeshiyaad ah oo ka Tirsanaa Kooxda AS

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalladan ayaa lagu dilay horjooge iyo saddex maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Kooxda AS, halka horjooge kale lagu dhaawacay, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adaha amniga.

Hawlgallada ayaa dhacay xilli xubnaha la beegsaday ay kasoo baxeen kulan lagu qabtay deegaanka Guulane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afarta qof ee lagu dilay hawlgalka ayaa lagu kala sheegay Cumar Siyaad Caraaye, oo lagu tilmaamay horjoogihii Kooxda AS u qaabilsanaa dhinaca xiriirka iyo abaabulka beelaha dega Gobolka Shabeellaha Dhexe, laba maleeshiyaad ah oo waday mootooyinka ay saarnaayeen horjoogeyaasha iyo qof kale oo ilaalo u ahaa horjoogeyaasha.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu dhaawacay Cabdi Maxamed Nuur, oo isna lagu sheegay inuu ka mid ahaa horjoogeyaasha Kooxda AS ee qaabilsan arrimaha qabaa’ilka.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in bartilmaameedyada kale ee hawlgalka lagu beegsaday ay si dirqi ah uga badbaadeen weerarka. Dadkaas ayaa lagu kala sheegay Cabdullaahi Cali Caraaye iyo Cabdi Daalane, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ka mid ahaayeen horjoogeyaasha la beegsaday.

Hawlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Kooxda AS, gaar ahaan deegaannada ay kooxdaasi ku leedahay fariisimo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.