Howlgallo lagu baacsanayo AS oo ka socda gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa wada howlgallo amni oo qorsheysan kuwaas oo ka socda xuduudaha ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose, iyadoo ujeeddadu tahay baacsiga iyo ciribtirka maleeshiyaadka Kooxda AS ee ku dhuumaaleysanaya deegaannadaas.

Howlgalladan oo ah kuwo si joogto ah u socda ayaa diiradda saaraya xoojinta amniga, ka hortagga falalka argagixiso, iyo hubinta badbaadada shacabka ku nool deegaannada xuduudaha ah, kuwaas oo marar badan ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqyada kooxaha nabad-diidka ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwa ku saleysan xog-ogaalnimo iyo iskaashi amni, isla markaana ay qayb ka yihiin dadaallada guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo nabadgelyo waarta, xasilooni, iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale kor u qaaday feejignaanta amni, iyagoo la shaqeynaya ciidamada kale ee ammaanka iyo bulshada deegaanka, si looga hortago in kooxaha argagixisadu ay dib isugu abaabulaan ama u adeegsadaan deegaannada xuduudaha ah meel ay ka fuliyaan falal amni-darro.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay ballanqaadkeeda ku aaddan sugidda amniga dalka, waxayna ku boorrisay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kana qayb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta.