Howlgalo Amaanka lagu Xaqiijinayo Oo Ka Socda Beledweyne

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay waxa ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan Xaafado ka tirsan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amnidarro.

Shalay Gelinkii dambe ayaa Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne waxaa lagu dilay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo la sheegay in mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo qof kale oo Shacab ah.

Ciidamada booliska ayaa saakay waxa ay howlgal ka wadaan laamaha ay ka kooban tahay Xaafada howl-Wadaag oo mararka qaar ay dilal ka dhacaan,waxaana wariyeyaal ku sugan ay soo sheegayaan in ciidamada ay mararka qaar guryaha iyo gaadiidka ay baaritaano ku sameynayaan.

Qaar ka mid ah dadka Reer Baladweyne ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in howlgalka uu saameyn ku yeeshay,isla markaana isku-socodka Ganacsiga iyo dadka,hayeeshee ay saacadaha soo socda dib u furmi doonaan.

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto askarta dowladda iyo cid kasta oo Maamulka la Shaqeysa waxaa dilalkaas mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.