Howlgalo Ay Sameeyen Ciidanka G/bari oo qaad lagu gubay

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Degaanka Ceeldaahir ee Gobalka Bari ku soo qabtay Jaad( Qaad) si sharci darro ah ku soo galay Deegaankaas oo la doonayay in dadka laga iibiyo.

Jaadkaan oo ku jirey dhowr jawaan ayaa Ciidamada waxaa ay kasoo sareen guryo ku yaalla deegaanka Ceeldaahir walow aan dad loo qaban,waxaana lagu gubey fagaaro ku yaalla deegaankaas,iyada oo ay daawanayeen qaar kamid ah Shacabka ku nool deegaanka Ceeldaahir.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in qof walba ee lagu qabto,iyad oo jaad soo gelineysa deegaannada Gobolka Bari gacan bir ah ay ku qaban doonaan.

Waxaa uu taliyaha uga digey Ciidamada mar waliba ka qeyb qaata sidii jaadka lagu soo gelin lahaa jaadka,isla markaana askarigii lagu qabto la Maxkamad doono.

Puntland ayaa kamid ah maamulada deegaannadooda ka ammnucuey in jaadka la soo geliyo si looga hortago Cudurka Coronavirus,waxaana go’aankaas horey u gaartey Dowladda Federaalka Soomaaliya.