Ciidamada ilaaladda Canshuuraha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka wada howlgal lagu soo qabanayo Gaadiidka aan Canshuurneyn.
Howlgalkan ollolaha Canshuuraha waxaa hoggaaminaayay Maamulaha Canshuuraha Berriga Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf, Taliyaha Ciidammada ilaalada G/Sare Maxamed Baari iyo Saraakiil kale.
Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay qaar kamid ah gaadiidleyda ka howlgala Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo la sheegay in gaadiidkooda uusan Canshuurneyn.