Howlgalo ka Socda Bosaaso

Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta waxaa ay Ciidamo farabadan ku daadiyeen wadooyinka waaweyn ee Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Ciidamada oo qaarkood wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka iyo dadka saaran, waxaaana sidoo kale mararka qaar ay baarayaan dadka wadooyinka lugeynaya.

Dad ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadan maalin ka hor wadooyinka Boosaaso la geeyay, si ay uga hortagaan banaanbax la sheegay in lagu taageerayo dowladda Soomaaliya oo lagu qabanayo halkaas, balse dib looga celiyay.

Ciidamada Maanta lagu daadiyay wadooyinka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka maadaama ay baaritaano sameynayaan.

Laamaha Ammaanka ee Gobolka Bari ayaa shalay ka digay in Banaanbax la sameeyo, iyaga oo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin isku imaatin sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.