Ciidammada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa weeraro isbarbar socda ku qaadeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada ay weerareen Goob u dhaxeysa degaannada Buulo-Gaduud iyo Janaay Cabdalla,isla markaana weerarkaasi ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Aaga degaannada Buulo-Gaduud iyo Janaay Cabdalla ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weeraradaas uga dileen laba ka tirsan Al-Shabaab,sidoo kalena ay kusoo furteen laba qoray oo AK47 ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in howlgalaldaas ay ahaayeen mid ay uga hortagayeen weeraro ay Al-Shabaab doonayeen inay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ee deegaanka Baar-sanguuni.
Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay weeraro kala duwan ka geysteen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland.