Howlgalo Ka Socda Shabeelaha Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay saakay ilaa xalay ay howlgallo ka wadeen degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen iyo deegaano hoostaga.

Howlgalyaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay barqadii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Awdheegle, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal socday in ka badan Saddex Saacadood.

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka kusoo qaaday halka Al-Shabaab dhankooda ay sheegteen inay dileen 50 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Howlgalka weli ka socda degmada Awdheegle ayaa Ciidamadu waxaa ay ka wadaan Xaafadaha degmadaas iyo sidoo kale tuulooyinka hoostaga,waxana la sheegay in howlgalkaas uu yahay mid ay uga hortagayaan weeraro kale.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa u sheegay Radio Risaala in howlgalka ka socda degmada Awdheegle lagu soo qabtay dad looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay baaritaano ku hayaan.

Marka laga soo tago howlgalka ay wadaan Ciidamada Dowladda,waxaa sidoo kale degan xaalada degmada Awdheegle oo shalay Barqadii uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.