Howlgalo wado furis ah oo kasocda G/hiraan

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen hawlgalada lagula dagaalamayo ururka Al Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Taliyaha amniga magaalada Beledweyne Dhamme Carab ayaa wuxuu sheegay ujeedka hawlgaladan inay yihiin sidii la isugu furi lahaa wadada xiriirisa magaalada Beledweyne iyo magaalada Buula-burde oo ka tirsan Hiiraan.

Wuxuu sheegay si arrintaasi ay u suuragasho in loo baahan yahay in shacabka ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, wuxuu tilmaamay hadii ciidamada iyo shacabka ay wada shaqeeyaan in la gaarayo guulo waa weyn.

“Saacad kasta ayaan u soo jeednaa sidii aan amniga u sugi laheyn, dadka waxaan ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan, waxaan dagaal culus kula jirnaa niman cadow ah, hawlgalka ujeedkiisa waa sidii la isugu furi lahaa wadada xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulab-burde”. Ayuu yiri Dhamme Carab.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ururka Al Shabaab waxa ay weeraro dhabagal ah la eegteen ciidan hawlgal ka waday degaanada ku teetsan magaalada Beledweyne, dagaaladaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan.