Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta dhagax-dhigay Gegiga diyaaradaha Caasimadda Laascaanood.
Ugu horrayn wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa ka warbixiyey xaaladaha uu soo maray iyo qorshaha uga dejisan ka wasaarad ahaan garoommada SSC-Khaatumo.
Dhismaha gegiga Caasimadda ayaa ka mid ah qorshaha Isku-Tashiga bulshada ee lagu horumarinayo deegaanka.
Ugu dambayn hoggaamiyaha u mahadceliyey guddiga Horumarinta Caasimadda oo gacanta ku haya dhismaha gegiga, sidoo kale hoggaamiyaha ayaa ku ammaanay guud shacabka reer SSC-Khaatumo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin Horumarinta deegaankooda, isaga oo xusay in ka xukuumad ahaan uu muhiimad gaar ah u leedahay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhagaalaha.
Mashruucan Ä°sku-Tashiga bulshada ayaa horay ugu guulaystay dhismaha, xarumo dawladeed iyo kuwo dan guud ah oo badan.