Hugaamiyaha Shiinaha oo Markii seddexaad si aqlabiyad ah ay u doorteeni Barlamaanka Dalkaasi.

Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa mar saddexaad ayey baarlamaanka Dalkaasi  ugu magacaabaan jagada madaxweyne.

Ku dhawaad ​​3,000 oo xubnood oo ka tirsan Congress-ka Qaranka (NPC), oo ah baarlamaanka Shiinaha ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay Xi, ka dib markii dastuurka la beddelay si meesha looga saaro xaddidaadda labada xilli ee soo jireenka ahaa.

Mr. Xi oo 69 jir ah ayaa sidoo kale si wada jir ah loogu magacaabay taliyaha ciidamada xoreynta dadka oo ka kooban  laba Boqol oo milyan.

Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Wasiirada kala duwan ee maalmaha soo socda ayaa loo arkaa mid muhiim ah.