IGAD oo ka digtay duufaanno ku soo fool-leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland

War saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa digniin ka bixisay waxa ay ku tilmaantay xaaladda isa sii taraysa ee duufaanno ka soo kacaya gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

Qubarada ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26-ka May 2018 oo berrito ah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan ayaa oo ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30-MM.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Dad ku dhow 50 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkan horraantiisii ku dhuftay gobollada Awdal iyo Salal.