IGAD oo ka Shirtay Wax ka Qabashada Caafimaadka Qaxootiga

Magaalada Jabuuti waxa lagu soo gaba-gabeeyay shir dalalka IGAD ay isugu yimaaddeen, kaas oo looga hadlayay wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee qaxootiga ay qabaan.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray dhibaatooyinka ay qabaan Qaxootiga Soomaaliyeed.

Maxamed Aamin Cabdullaahi oo ah Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay shirkaasi la tagtay  sidii looga caawin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka IGAD.

Waxaa uu sheegay sidoo kale in ay isla garteen in Tababaro dheeraad ah la siiyo dadka ka shaqeeya howlaha Caafimaadka ee Qaxootiga sidoo kale loo sameeyo dhiiragelin.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in si gaar ah looga hadlay sidii looga hortaggi lahaa Cuduradda Qaaxadda iyo sidoo kale IDISKA in ay ku dhacaan Qaxootiga.

Dalalka IGAD ayaa waday bilihii lasoo dhaafay howlo horumarineed oo ku saabsan Qaxootiga dalalka IGAD.