IGAD Oo Sheegtay Inay Dhex-Dhexaadin Doonto DFS & Dowlad Goboleedyada

Wasiiro ka kala socday 8-da waddan ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD waxay shalay kulan ku yeesheen caasimadda Ethiopia ee Addis Abeba.

Kulankaasi waxaa looga hadlay Xaalladaha Somalia iyo South Sudan, iyadoo diirada la saaray Khilaafka DFS iyo Maamul-gobaleedyadda.

Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ambassador Ismail Chergui oo War-saxaafadeed ka soo saaray Arrimaha Somalia iyo South Sudan, waxa uu shaaciyey in IGAD dadaal xooggan u geli doonan xal-u-heliska Khilaafka DFS iyo Maamul-gobaleedyada.

Waxa uu soo saaray 3 qoddob oo ku aadan Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Ururka AU-da taageersan yahay DFS iyo Dadka Soomaaliyeed ee Xilliga Kala-guurka Colaadda iyo in la gaaro Nabad Waarta.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay u baahan yihiin xiriirinta dadaalkooda ku aadan Somalia iyo baahida loo qabo xalinta khilaafka DFS & Maamul Goboleedyada.

Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da waxa uu intaasi ku daray inay si xooggan u taageersan yihiin DFS si ay door hoggaamineed u qaadato.

Waxa uu ku celceliyey inay IGAD taageero ka geysanayso xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee DFS & Dowlad goboleedyada iyo sidii loo dhisi lahaa Ciiddanka DFS si ay ula wareegaan Ammaanka Guud ee Somalia.