Iiraan oo si kulul u weerartay Trump iyo Netanyahu.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in dagaalka uu sii socon doono ilaa Mareykanka iyo ISRL ay ka qoomameeyaan waxa uu ku tilmaamay falalkii ay ka geysteen Iran.
Ghalibaf ayaa si gaar ah u eedeeyay RW Netanyahu, isagoo ku tilmaamay “khiyaanoole dhagar badan” oo muddo dheer kadib ku guuleystay inuu ku qanciyo Madaxweyaha Mareykanka Donald Trump inuu bilaabo dagaalka.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Iiraan ay si dhow ula socoto dhammaan qorshayaasha qarsoon ee ISRL iyo xulafadeeda., asagoo ugu dambeyn, sheegay in Tehran aysan hadda ka dib kala saari doonin Mareykanka iyo ISRL, dushana u saaray labada dal inay wada galeen “dambi weyn” oo ka dhan ah Iran Ciqaabteedana ay mari doonaan.
