IIRAAN WAXA AY TIRI: “Ma ku tiirsanin oo kalia hal Hugaamiye/ shaqsi”.

Afhayeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay in Xukuumada Tehran aysan ku dhisnayn  kuna tiirsanayn hal hoggaamiye, kaddib dilkii Hoggaamiyihii Sare Ayatullah Ali Khamenei.

Baghaei wuxuu dilka ku tilmaamay in uu ahaa “dambi caalami ah”, cawaaqibka kadhashana aan la mahdin doonin, isagoo xusay in Iiraan ay diyaarisay dhammaan awooddeeda difaac, ayna sii wadi doonto ilaalinta madaxbannaanideeda iyo guud ahaan ammaanka gobolka.

Dhanka kale Warbaahinta NBC ayaa xaqiijisay in 3 askari oo Mareykan ah oo ku dhintay dagaalka ka dhanka ah Iiraan ay ku sugnaayeen saldhig ku yaalla Kuwait.

Kuwait ayaa kamid ah dalalka Khaliijka ee hoy u ah saldhigyada Mareykanka, kuwaas oo bartilmaameed u noqday gantaallo ay Iiraan soo tuurtay tan iyo markii Washington iyo Israa’iil ay bilaabeen duqeymaha Sabtidii.