Ilaalo British Ah Oo Gelbiyey Kumanaan Dalxiisayaal Ku Safartay Badda Somalia

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa maanta qoray in Ilaalo hubeysan oo horey uga tirsanaa Mariniska Britain ay si qarsoodi ah ugu dhex milmeem 2,600 oo Dalxiisayaal, kuwaasi oo ku tamashleynayey Markabka Raaxadda leh ee Queen Mary 2.

Ilaaladaasi oo huebysnaa ayaa loogu tala-gaalay inay Dalxiisayaasha ka badbaadiyaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Wargeyska waxa u uqoray inuu Markabkaasi si nabad ah ku soo maray Gacanka Cadmeed, halkaasi oo ay Burcda-baddeedu ku xooggan yihiin.

Ilaaladda ayaa la sheegay inay Markabka dhakadiisa ku xirteen Hub iyo Tubooyinka laga tuuro biyaha xoogga leh, ay Burcad-baddeeda isaga waabiyaan.

Ciiddanka waxay Casharo Wacyi-gelin ah siinayey Dalxiisayaasha oo ay ka codsadeen inaysan Habeenkii Nalalka shidin iyo inay yareeyaan shanqarta inta uu Markabku marayo Badda Somalia.

Wargeyska waxa uu qoray in Markabka Dalxiiska uu xawaare sare oo muddo 6 maalmodo ah ku maray Xeebaha Imaaraadka ilaa Jesiiradda loo dalxiis tago ee Caqaba ee dalka Urdun.

Kabtan Peter Philpott oo ka mid ahaa Ilaaladii la socotay Markanka waxa uu u sheegay Dalxiisayaasha inay ilaalo ka hayaan Ciiddanka Caalamiga oo ay QM u fasaxday inay Maraakiibta Ganacsiga ka badbaadiyaan weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Dhinaca kale, Afhayene u hadlay Ciiddanka Badda Boqortooyadda Britain ayaa sheegay inay twax caadi tahay in  Ilaaladooda lagu casuumo inay gelbiyaan Maraakiibta Ganacsiga marka sy safrayaan, si looga ilaaiyo Khatarta Burcad-baddeeda.