Imaaraadka carabta oo war kasoo saaray weerar lagu dilay saraakiil udhalatay oo muqdisho ka dhacay.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiysay in saddex sarkaal looga dilay weerarkii uu askari tababar ku jiray ka fuliyey xerada Jeneral Goordon ee magaalada Muqdisho, habenekii Sabtida.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaal afaraad oo u dhashay dalka Baxreyn uu ka mid yahay xubnaha la dilay, ayada oo sidoo kalena laba kale ay dhaawacmeen.

Wasaaradda gaasshaandhigga ayaa sheegtay Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto baaritaanka ficilkan aadka u xun.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saraakiisha Imaaraadka Carabta ee la weeraray aysan deganeyn xerada oo ay degan yihiin xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde, balse ay si joogto ah u tagaan xerada, si ay u bixiyaan tababarada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.