Imaaraadka oo Labo diyaaradood ka dejisay Hargeysa

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta Magaalada Hargeysa ka dejisay labo diyaaradood oo loogu tala galay in ay qaadaan Gargaar dadka ku dhibaateysan gobolo ka mid ah Somaliland.

Labadda Diyaarooda ayaa markii ay gaareen Hargeysa qaaday Daawo iyo Cuntooyin loogu tala galay dadka kusugan gobolka awdal.

Degmada Lughaye ayaa hada ugu daran meelaha ay saameeyeen Fatahaada roobabkii ka da’ay Somaliland.

Waxaa korodhay tirada dadka ku dhintay roobabka dabaylaha watay ee habeennadii Sabtidii iyo Axaddii ka da’ay gobollo ka mid ah Somaliland, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

Mas’uuliyiinta degaanada ee gobolka Awdal ayaa sheegay inay haatan tirada dadka dhintay ay gaarayso 29 qof inta la ogyahay, halka kuwo kalena weli la la’yahay.