Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa markale kaalmo ka timid Dalkaas ku wareejisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA si ay usii gaarsiiso qoysaska u baahan gargaarkaan.
Diyaarad nooca Xamuulka qaada ah oo lagu soo raray kaalmadaan ayay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ku wareejiyay SODMA maadaama Soomaaliya ay joogaan Dad u baahan in la gacan-qabto.
Deeqdaan waxaa Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya u guddoomay Kaaliyaha Guddoomiyaha SODMA Cabdiraxmaan Waxiid waxaana uu u mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta.
Dowladda Imaaraatka ayaa kamid ah Dalal kala duwan oo Soomaaliya ugu deeqay gargaar loogu talagalay in lagu caawiyo Dadka dantayar ee qaarkood saamaynta taban ku reebeen xaaladaha ka dhashay Daadadka, Abaarta & Fatahaadaha.