In Caruurtiisa Uu Kaga Sheekeyn Doono Ronaldo,In Layaab Ay Ku Noqotay Guulaha Uu Gaadhay & Kaka Oo Dhowr Arimood Kale Kaga Hadlay Cristiano.

Xiddiga reer Brazil Ricardo Kaka ayaa wuxuu farxad weyn ka muujiyay guulihii uu gaadhay saaxiibkiis hore Cristiano Ronaldo sanooyinkii lasoo dhaafay, ee isugu jira kuwo guud iyo kuwa shaqsi ahaaneed.

Ricardo Kaka ayaa wuxuu dhinaca kale xaqiijiyay inuu ugu faani doono caruurtiisa in qeyb ka mid ah xirfadiisa kubada cagta uu kasoo garab ciyaaray Cristiano Ronaldo, kaasoo haatan ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda.

 

Halyayga reer Brazil ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo go’aankii uu ku qaatay inuu joogo Real Madrid isla markaana uusan meelna ka aadin kadib markii uu ku guuldareystay inuu kula guuleysto wax koob ah bilawgiisa kooxda ay ka dhigtay inay ka caawiso in kooxda uu ka sameeyo taariikh cajiib ah.

Kubad qaabeeyaha reer Brazil  oo wareysi dhinacyo badan taabanayay maanta siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu yidhi: “Ma aanan fileynin in Cristiano uu gaari doono heerkan, waxaana aaminsanahay in isaga xitaa uusan rumeysneen in sidan uu sameyn karo, laakiin waxa uu sameeyay waa waxaan la rumeysan Karin, 5 abaal marin ee Ballon d’Or ah iyo goolal badan oo Real Madrid ah”.

Laacibkii hore Kooxda AC Milan Ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Ronaldo waa ciyaaryahan weyn, taageerayaasha Real Madrid waa inay ku faanaan isaga, waxaan nasiib u yeeshay inaan ka garab ciyaaro muddo 4 sanno ah, waxaan carruurteyda u sheegi doonaa in aabahood uu nasiib u yeeshay inuu ka garab ciyaaray Cristiano Ronaldo, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta ee jilalkii aan soo marnay”.

Kaka ayaa ahaa saaxiib si aad ah ugu dhaw Cristiano Ronaldo tan iyo markii ay ku biireen Real Madrid sanadii 2009, inkastoo ay jireen shaqsiyaad aaminsanaa in xidhiidhkoodu uusan noqon doonin mid wanaagsan sababa la xidhiidha loolanka xiligaas ka dhexeeyay marka ay ku kala sugnaayeen kooxaha Manchester United iyo AC Milan kahor ku biiristooda Santiago Bernabeu