In ka badan 100 ruux oo ku geeriyooday dhul go’ ka dhacay Itoobiya

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhashay  roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Goofa ee Koofurta dalka Itoobiya.

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay in 157 qof oo meyd ah laga soo saaray laba tuulo oo ku yaalla Koofurta Itoobiya.

Markos Melese,  oo ah madaxa deegaanka ee hay’adda ka hortagga masiibooyinka ee Gofa ayaa sheegay in ay weli wadaan baadi goobka dadka la la’yahay.

Waxaa laga yaaba in tirada dhimashada ay xilli kasta ay kordhi karto, madaama laba jeer dhul go’ ahaa,

Dalka Itoobiya ayaa xilliyadan oo kale dhul go’ lagu arkaa, weliba inta u dhaxeysa bilaha June iyo August oo xilli roobeed ah.