Dhuusamareeb 01/MAY/2023: Ururka Suxufiyiinta Galmudug “GALJA” ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug tababar aqoon kororsi ah oo soconaya mudo 2 maalmood ah uga furay suxufiyiin kuwaasi oo Loo tababarayo habka lasocodka, Ka Warbixinta, hubinta Badqabka, Amniga Saxafiyiinta waxbaara.
25ka Wariye ee fursada uhelay kaqayb galka tababarkan ayaa qaarkood kahowlgalaan Xarumaha warbaahinta ee Deegaanada Galmudug halka suxufiyiinta qaar ay yihiin kuwa madax banaan.
Furitaanka tababarka ayaa waxaa kaqayb galay madax katirsan labada gole ee dowlada Galmudug, Xoghayaha iyo Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Galmudugee (GALJA) qaar ka mid ah Agaasimayaasha Warbaahinta ka howlgasha Galmudug iyo xubno katirsan ururada bulshada rayidka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowlad Gobeedka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Dhoore oo tababarka kaqayb galay kanahadlay Munaasabada Furitaanka aqoon kororsiga ayaa xusay muhiimada ay leedahay in wariyaashu Ka fakaraan badqabkooda iyo mida bulshada, madaama ay Ka shaqeynayaan aalada ugu Weyn ee bulshada durba Kala gaari karta, wariyahuna ee ka saamayn wayn yihiin dadka caadiga ah, warka uu sheegayna ay dhibaato badan Ka dhalan karto, sidaa Darteedna Wariyaasha looga baahanyahay in masuuliyad iska saaraan waxa ay tabinayaan, maadaama bulshada Galmudug ladaalaa dhacayso khilaafyo dhexmara qabiilada iyo kuwa kooxeed.
Wasiir kuxigeenka wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa Bogaadiyay dadaalada “GALJA” ay ugu jirto sidii ay Wariyaasha Galmudug ay uheli lahaayeen tababaro aqoontooda sare loogu qaadayo isagoona u mahadceliyay saxibada kagacansiiyay “Galja”qabashada tababarkan.
Xog-yaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug mudane Maxamuud Cismaan Cabdulle oo hadal Ka jeediyay Furitaankan ayaa Suxufiyiinta Ku booriyay Xoojinta Madaxbanaanida Hadalka maadaama xorriyatul qowlku yahay, midka kaliyah ee lagu gaari Karo hormarinta xaquuqda shakhsigu leeyahay, si loo helo warbaahin dhan walba ka dhamaystiran, iyada oo la ilaalinayo shuruucda iyo xeerarka warbaahineed ee dalka, gaar ahaan tan Galmudug, waxaana uu intaa kudaray inay u taaganyihiin maalinkasta ilaalinta madaxbanaanida warbaahinta iyo wariyaha aysanna suurta gal ahayn in ay Ka tanaasulaan.
Xoghayaha GALJA ayaa ugu dambayn umahadceliyay xafiiska Qm ee Soomaaliya “UNSOM” oo ururka Galja kagacan siiyay qabashada tababarkaan sare loogu qaadayo aqoonta wariyaasha Galmudu.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug “GALJA” Axmed Cabdullaahi Taakilo ayaa Wariyaasha Kula dar daarmay in ay Ka fakaraan, hormariyaana aqoontooda maadaama, bulshadu ka sugayaan warar xaqiiq ah oo sugan, si loo xoojiyo wadashaqeynta bulshada iyo warbaahinta kahowl gasha deegaanada Galmudug.
=DHAMAAD
