Ugu yaraan 53 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen bartamaha gobolka Niger ee dalka Nigeria, kadib markii booyad shidaal ay ku dhacday gaari xamuul ah oo siday rakaab.
Hay’adda Gurmadka Degdegga ah ayaa sheegtay in shilku dhacay uu sababay qarax xooggan iyo dab muddo dheer holcayay.
Agaasimaha guud ee hay’adda, Abdullahi Baba Ara, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka loo diray goobta si ay xaaladda u maareeyaan.
Ibrahim Hussaini, oo ah afhayeenka waaxda xaaladaha degdegga ah ee gobolka Niger, ayaa sheegay in dhimashadu ay intaas kasii badan karto.