In Man City Ay Sameyn Karto Wax Walba, In Man United Ay Nasiib Lahayd Kulankii Manchester Derby & Klopp Oo Dhowr Arimood Ka Hadlay Kahor Kulanka Etihad Stadium Ee UCL

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulanka caawa ay Manchester City kula ciyaari doonaan lugta labaad ee wareega siddeed dhamaadka tartanka  UEFA Champions League-ga wuxuuna sheegay in ay Man City wax walba samayn karto.

Macalinka reer Germany ayaa wuxuu iska diiday wararka ku aadan in Liverpool ay xili hore go’aamisay inay u gudubto wareega afar dhamaadka sababa la xidhiidha saddexdii gool ee ay soo dhaliyeen kulankii lugta hore wuxuuna doonayaa in ciyaartoyda kooxdiisu ayna isdhigan.

 

Jurgen Klopp oo diidan in kooxdiisu ay haddaba u soo baxsan tahay afar dhamaadka UCL ayaa yidhi: “Waan kasoo horjeedaa arintan marna, haa ilaa iyo haatan waxaan heysanaa gacanta sare, laakiin ma jiraan wax la xaqiijiyay ilaa iyo haatan, Waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyn karno”.

Macalinka kooxda Liverpool ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Pep Guardiola waa tababaraha ugu fiican, sidoo kale waa macalinka ugu farsamada wanaagsan, laakiin ma jirto qaab ciyaareed wanaagsan oo dhameystiran oo aan ceyb lahayn”.

Jurgen Klopp oo Manchester City ka hadlaya ayaa yidhi: “Waa koox weyn waxay soo bandhigeysaa xili ciyaareed cajiib ah, United waxay nasiib ku laheyd in laga dhaliyo 5 ilaa iyo 6 gool qeybtii hore kulankii Manchester derby, waa kubada cagta, City waxay awood u leedahay inay wax walbo sameyso”.

Jurgen oo k ahadlaya khibrada Liverpool ee UCL ayaa yidhi: “khibrada iyo taariikhda Liverpool ee Champions League nama caawineyso, ciyaartoyda Manchester City waa ay naga khibrad badan yihiin”.

Si kastaba goolal ka kala yimid Mohamed Salah, Alex Oxlade-Chamberlain & Sadio Maneayaa sababtay in Guardiola iyo kooxdiisu loogu awood sheegto kulankii lugta hore ee wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League-ga, kaasoo ka dhacay garoonka Anfield.