In Uu Xushmeenayo Go’aanka Uu Ugu Biirayo Griezmann Kooxda Barcelona, Waxa Uu Ka Codsaday Laacibka Reer France & Kabtanka Atletico Madrid Gabi Oo Ka Hadlay DhowrA rimood Kale.

Kabtanka kooxda Atletico Madrid Gabi ayaa ka hadlay mustaqbalka saaxiibkiis Antoine Griezmann, xili saxaafada caalamka ay xaqiijineyso in uu ku sii dhaw yahay ku biirista kooxda Barcelona xili ciyaareedka soo aadan.

Atletico Madrid ayaa guul kaga gaartay kooxda Celta Vigo 3-0 kulan ka tirsanaa kulamada isbuucan ee horyaalka La Liga dalka Spain, waxaana kooxda uu hogaamiyo Diego Simeone goolasha u kala dhaliyay xidigaha kala ah Ángel Correa, Antoine Griezmann iyo Vitolo.

 

Kabtanka kooxda Atletico Madrid Gabi ayaa kadib marka uu kulanka soo idlaaday wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna yidhi: “Wax walbo ee aan ka codsaday Antoine Griezmann ayaa ah inuu nagula sugnaado halkan, isla markaana uu sii difaaco maaliyada kooxda, sida uu ugu qalmo inuu u difaaco, Ma fahmi kartaa qaar ka mid ah ciyaartoyda ku sugan halkan, kuma weyna qalbiyadooda kooxda Atletico Madrid, waxaana suuragal ah inay ka dhaqaaqaan, mana u baahna in lagu dhaleeceeyo ama lagu ciqaabo arintan”.

“Antoine Griezmann waa ciyaaryahan aan caadi aheyn, qof walbana waa uu jecelyahay, wuxuu leeyahay xirfad cajiib ah marka loo eego ciyaartoyda kale, taas ayaana sabab u ah inuu isbedel sameeyo, waxaa jiray hadal badan oo ku saabsan bilowgii xilli ciyaareedka iyo rabitaankiisa ee ah kooxda Barcelona iyo kooxo kale si uu ugu biiro”.

Gabi ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Haddii Antoine Griezmann uu go’aansado inuu baxo, waxaan xushmeyneynaa shaki la’aan, laakiin waxa aan arkeeno hadda waa xushmadiisa iyo dagaalka uu ugu jiro sida uu ku difaaci lahaa maaliyada uu haatan xiran yahay”.