India Oo Dal keeda Ka Mamnuucday Alada Tictok

Dowlada India ayaa mamnuucday ku dhawaad ​​60 barnaamij oo ah App Mobilada oo Shiinaha laga leeyahay  oo ay kujirto Alaadda Muuqaallada gaagaban lasoo dhigo ee  TikTok, iyadoo la tixraacayo walaaca laga qabo amniga qaran, ka dib isku dhac dhex maray Milatariga Shiinaha iyo kan Hindiya.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in Amniga Qaranka iyo Shuruucda dalka uu halis ku yahay TikTok, islamarkaana ay ka mamnuucday dalkeeda.

Shirkaddan ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir toos la leedahay dowladda Shiinaha, xogta khaaska ah ee dadka isticmaalana ay u gudbiso dowladda.

Wasiirka warfaafinta ee Hindiya, ayaa sheegay in sababta ay u mamnuucayaan isticmaalka barnaamijyadaas ay tahay dacwo uga timid meela kala duwan.

Dalka ugu badan ee aadka looga isticmaalo TikTok ayaa ah dalka Hindiya, waxaana adeegsada dad lagu qiyaasay 120 milyan oo qof.