Iney Sevilla Ugu Guulo Badan Tahay, Wadanka Ugu Badan & Sida Ay Kooxaha Yurub U Kala Qaadeen Koobka UEFA Cup/Europa League.

Tartanka Europa League ee horay loogu aqoon jiray UEFA Cup waxaa la bilaabay 1971 – iyadoo xiriirka qaaradda yurub ay ugu tala-galeen iney ka dhigaan tartanka labaad ee ugu xiisaha badan dhanka kooxaha soona labeeya Champions League.

Tartankaan wuxuu soo maray marxalado kala duwan iyadoo magaca hadda loo yaqaan loo bixiyay fasal ciyaareedkii 2009/2010 markaas oo ay Atletico Madrid koobka ku guuleysatay.

Xalayto ayey aheyd markii magaalada Lyon lagu ciyaaray finalka tartanka waxaana si awood leh ku qaaday Atletico Madridoo 3-0 ku dilay kooxda reer France ee Marseille kulan ay ka atooreeyeen Antoine Griezmann iyo Gabi Fernandez.

Kooxaha reer Spain ayaa tartankaan ku guuleystay tirada ugu badan mana jiro xitaa wadan kale oo usoo dhaw maadaama ay 11-jeer hanteen tartanka, shan ka mid ah waxaa ku guulesytay Sevilla oo ah kooxda ugu badan tartanka halka Ateltico Madrid ay ku guuleysatay 3-jeer oo ka mid ah.

Real Madrid ayaa laba jeer hanatay, halka Valencia ay hal jeer hanatay.

Italy ayaa kusoo xiga oo ay kooxahooda ku guuleysteen 9-jeer tartanka Europa League – kooxaha Inter Milan iyo Juventu ayaa min saddex jeer qaaday, halka Parma ay qaaday laba jeer – sidoo kalana Napoli ayaa qaaday mar qura.

Dhanka Ingiriiska markaan fiirino 8-jeer ayey kooxahooda qaadeen tartanka waxaana ugu badan Liverpool oo tiro saddex jeer ah u dabaal dagtay, halka Tottenham ay iyana heshay 2-jeer, waxaana dheeri ah in Ipswitch Town, Man United & Chelsea ay min mar qura qaadeen.

Tartanka waxaa finalkiisa la ciyaari jiray laba lugood ilaa laga soo gaaro 1997/98 markaas oo loo badalay kaliya hal lug oo meel dhex-dhexaad ah lagu ciyaarayo, finalkii ugu horeeyay ee qaabkaas ah waxaa isku arkay Inter Milan & Lazio markaas oo lagu qabtay Parc des Princess ciyaarta kama dambeysta ah 3-0 waxaa koobka ku qaaday kooxdii uu xiligaas hogaaminayayLuigi Simoni.