Iney Spain Ka Mid Tahay Wadamada U Tartamaya Koobka Aduunka, Hadii Uu Dhib Ku Qabo Ramos & Toni Kroos Oo Si Dadban U Amaanay Kooxdiisa Real Madrid.

Jarmalka ayaa caawa la ciyaari doona Spain kulan saaxiibtinimo oo ay labada kooxoodba ugu diyaar garoobayaan koobka Aduunka balse xidiga khadka dhexe Real Madrid Toni Kroos ayaa si dadban u amaanay kooxdiisa isagoo usoo maraya tayada xulka qaranka La Roja.

Toni Kroos oo sadex sano oo guulo ah la qaatay Los Blancos ayaa caawa ka hor imaanaya wajiyo ay maalin walba tababar isla qaataan iyagoo markaan kala difaacaya laba qaran, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuusan wax dhibaato ah ku qabin saaxiibadiisa, balse uusan caawa nasiib wacan u rajeyneynin maadaama uu gudanayo waajibaadka qarankiisa.

 

Julen Lopetegui ayaa xulkiisa La Roja kusoo daray xidigaha: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Isco, Lucas Vazquez iyo Marco Asensio kuwaas oo dhanka kooxda ku dhinac ah Toni Kroos, wuxuuna aaminsan yahay in La Roja ay u wacan tahay hadii ay laf dhabar u yahiin xidigaha Los Blancos.

“Marka aad eegto sanadahii ugu dambeeyay oo aan joogay Real Madrid, waa wax iska cad inuusan jirin xidig xun” ayuu yiri Toni Kroos oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka caawa.

“Waxaan maleynayaa iney tahay mid saxan maadaama ay ciyaartoy Madrid ah joogaan”

“Waan ku faraxsanahay waxa uu yahay Ramos iyo qof walba oo kale, inkastoo aan caawa u rajeyneynin iney guusha helaan”

Dhanka kale Kroos ayaa shaaca ka qaaday in Spain ay dib u heleen kalsooni maadaama ay si xun ugu soo hareen koobabkii Aduunka 2014 iyo Euro 2016, kuwaas oo ka dambeeyay guulahii qurux badanaa ee ay gaareen waqtiyadii ka horeeyay.

“Waxey ila tahay in Spain ay mar kale heerka sare joogto, isla markaana sida cad ay tahay mid ka mid ah kooxaha ugu cad-cad koobka Aduunka.