Injinneero soo gaaray magaalada Muqdisho

28-kii bishii November ee sanadkii tagay, Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan hir-gelinta mashaariic horumarineed oo ay Qadar ka fulineyso Soomaaliya.

Mashaariicdan oo ku kacaya 200 oo Milyan oo doollar ayaa waxay isugu jireen dhismaha waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyo shaqo abuur loo sameynayo dhalin-yarada.

Maanta waxaa jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar booqday Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Injinneerada Dowladda Qadar ka socda ee Muqdisho soo gaaray, si ay qiimeen ugu soo sameeyaan wadadaasi.

Wasiirka Qorsheynta oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Hada waxaan joognaa sida aad u jeedaan meesha uu ka bilaabanayay jidka isku xira Xamar iyo Jowhar, sababta aan u joogno waxa weeye sidii aan u qiimeyn laheyn, Waxaa nala socda wafdi ka socda Wadanka Qadar oo uu hoggaaminayo Sanduuqa Qadar, sababta ay u yimaadaan waxa weeye in ay fiiriyaan labada jid ee aan ku heshiinay dhismahooda nuuca uu noqon doono.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Sidoo kale Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo wafdiga ka socda Dowladda Qadar ayaa gaaray wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, Wasiirka oo halkaasi oo markale warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Qadar ka sokow Dowladda Federaalka wixii karaankeeda ah ay ka qaadan doonto.