Iran oo sheegay inay diyaar u yihiin dagaal dhulka ah.

Mas’uul sare oo Iran ah: “Waan idin sugaynaa haddii Maraykankow dhulka soo galeyso”

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa Iran ayaa si adag uga jawaabay war kazoo yeeray Maraykanka kaasi oo ah in la qorsheynayo duullaan dhulka ah oo lagu qaado Iran.

Ali Larijani ayaa sheegay in ciidamada Iran ay si buuxda ugu diyaar yihiin inay la dagaallamaan haddii askar Maraykan ah ay soo galiyaan dhulweynaha Iran.

Wuxuu ku adkeeyay in ciidamada Iran ay sugayaan, ciidamo kasta oo soo gala dalka, isagoo ku hanjabay in la dili doono ama la qaban doono kumannaan askari haddii duullaan dhulka ah la sameeyo.

Hadalkaan ayaa imanaya xili Falanqeeyaashu sheegayaan in ay Iran Hawada iyo badda ku gacan sareyso iyadoo xiisadda militari ee u dhexeysa Iran iyo Maraykanka iyo YHD oo dhinac ah uu galay maalinkii lixaad.