Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka Iran, Ali Larijani, ayaa sheegay in Washington ay aaminsaneyd inay Iran ku qaadi karto dagaal gaaban, isla markaana ay qalalaase gudaha ka abuuri karto.
Larijani wuxuu sheegay in qorshahaasi uu ku jiray in la beegsado hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei, iyo madax kale si loo wiiqo nidaamka dalka.
Si kastaba, wuxuu sheegay in qorshahaasi uu fashilmay, isla markaana shacabka iyo hoggaanka Iran ay si weyn u mideysan yihiin.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Iran ay digniin u dirtay kooxaha gooni-goosadka si aysan uga faa’iideysan xaaladda dagaalka.
Larijani ayaa dhaliilay hadallo uu jeediyay Donald Trump oo ku saabsan mustaqbalka hoggaanka Iran, isagoo ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Iran aysan weerari doonin dalalka deriska ah, haddii aan dhulkooda loo adeegsan weerarro ka dhan ah Iran.
Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordheyso.
