Iran oo weeraro ku qaaday safaradaha & saldhigyo.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay inay weerarro ku qaadeen:- Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Dubai (UAE) iyo  Saldhigga Arifjan ee dalka Kuwait

Iran waxay sheegtay in weerarrada lagu fuliyay hanaan isku dhaf drones iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday goobaha ay joogaan ciidamada Mareykanka ee Gobolka.

Muuqaal ayaa soo bandhigaya weerarka xalay ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Riyadh, Boqortooyada Sacuudiga. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo laga maqlay agagaarka xaafadda diblomaasiyiinta, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in jawaabta Mareykanka ee ku aaddan weerarkaasi ay “si dhakhso ah” u soo bixi doonto.

Xiisadda gobolka ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee Washington.