Iran oo xirtay dad badan oo lagu eedeyey Basaas.

Iran ayaa sheegtay inay qabatay 500 qof oo lagu eedeeyay inay macluumaad sir ah u gudbinayeen cadowga, iyadoo dowladda ay sheegtay in dadka qaar ay bixiyeen xog ku saabsan goobaha la weeraray ama ay sawirro ka qaadeen meelaha gantaalladu ku dhaceen.

Taliyaha booliska Iran ayaa sheegay in hawlgallada amni ay ka dhaceen gobollo kala duwan oo dalka ah, iyadoo qaar ka mid ah dadka la xiray lagu eedeeyay inay Israa’iil u gudbiyeen xog ku saabsan xarumaha militari iyo goobaha muhiimka ah.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay sii kordheyso, iyadoo Iran ay adkeyneyso tallaabooyinka amniga gudaha si ay uga hortagto basaasiinta iyo dadka la shaqeeya quwadaha shisheeye.